Sunday, June 5, 2011

Story Dagdare

Once upon a time a man married a beautiful woman. They had a son together. After a while the husband married another woman. He divided his animals into two different parts for each of his wives. He built a big house for his new wife. The house was next to the house of his first wife.
When the first wife saw the beautiful young wife and the new house, she got jealous. She got so jealous that she was almost crazy. Jealousy took over her. The next night she left the house with her baby. Her husband was with the new wife so he didn’t know that the first wife had left with
their child.
In the morning, everyone found out that she had gone. They went to find her, but they couldn’t.
She tried to find where her family lived, but she got lost. She traveled many days and nights. She finally got to the Nugal Valley. The Nugal Valley was known as a place where a woman named Dagdare hunts for people.While the first wife was walking, she sensed that someone was running after her. But the running she heard was different than the running she knew. The running created all kinds of dust and wind. She knew that the person running after her was Dagdare. She kept running faster and faster and Dagdare kept running after her too.
The mother and her son were both fat. Dagdare loved fat people. She was very hungry for them. Dagdare was use to running fast, and no one she chased ever got away from her. Dagdare was running faster and faster, but the mother was running too. While they were running, they came to some hargega holes (deep holes) in the ground. When the mother saw these deep holes that she couldn’t cross, she said, “Allah, save me.” Then she jumped across safely with her son.
Dagdare stopped, and didn’t want to take the risk of jumping over these holes. When she couldn’t jump, she said, “Oh hargega holes, They can stop a man running at full speed.
They can stop a man that is flying.
Oh, look at the woman’s body.
Oh, look at the whiteness of her skin.
Oh, look at her body shake.
Look at her cute baby.
Oh, hargega holes.
Oh, they can stop a flying man.”
Lesson: You can do many things, if you really try.Story 18


SHEEKADA DHAGDHEER
Waxa la yidhi nin baa naag aad u qurux badan qabay. Naagtu ninka wiil ayey u lahayd. Reerkuna reer iska ladan oo xoolo leh ayey ahaayeen. Ninkii baa naagkale guursadey. Wuxuu xoolihii minweynta u qaybiyey laba, aqal cusubna minyaradii uga dhisay minweynta agteeda. Xaaskii hore ayaa markay aqalkii cusbaa iyo gabadha yar quruxdeedii aragtay masayrtay oo maryihii tuuri gaadhay. Ileen waa hinaastaye, habeenkii dambe ayey intay ilmaheedii xambaaratay reerkii ka guurtay. Ninkeediina gurigiisii kale ayuu joogay oo waxba ma’ogayn. Subaxdii markii la ogaaday ayaa la baadi doonay waase laga quustay.
Minweyntii duddayna way ambatey oo reerkoodii meeshii ugu dambaysay ayey garanwayday. Waxay maalmo iyo habeeno badan sii socotaba dooxadii nugaal ayey gaadhay. Halkaas oo ahayd meel aad u cabsi badan oo lagu yiqiin dadqalatadii Dhegdheer ee dadka madhisay. Iyada oo socota ayey aragtay qof ka soo daba ordaya. Hadabaorodku kay arki jirtay muu ahayne wuxuu ahaa mid boodhka, habaaska iyo siigada ka kacaysa aad yaabto. Markaa ayey garatay qofka sidaa u soo gurdamaya ee waxaas oo habaas ah kicinaya inay dhegdheer oo cunto doon ah tahay. Markaa ayey cagaha wax ka dayday Dhegdheerna way eryatay. Hooyada iyo wiilkeeduba aad ayey u buurnaayeen. Dhegdheer waxaa oo baruur ah markay aragtay ayey gaajadii ku sii kacday. Dhagdheer aad ayey u dheerayn jirtay waligeedna qof ay eryatay kama baxsan. Sidii laysu eryanayay waxa lugu soo baxay Boholaha Xargaga. Hooyadii markii ay aragtay in aanay bohosha dhana uga baydhi karin ayey bisinka qabsatay oo wiilkeedii kala dul booday. Dhegdheer oo da’ahayd way hakatay. Markay bohosha ka dul boodi kari wayday waxay tidhi:
Hoh iyo boholaha Xargaga
Nin xiimayey xidhaan
Nin duulayey dabraan
Bal naagtaa badhida daya
Bal bowdyo cadaanta dayaBal buluq-buluqdeeda daya
Bal bacoolkay sidato daya
Hoh iyo Boholaha Xargaga
Nin xiimayay xidhaan
Nin duulayey dabraan.
°°°°°
Dulucda sheekada:
Dhibaatooyin badan ayaad ka badbaadi kartaa haddii aad
illaahay aaminto.